Waxaa maanta oo Axad ah kulan muhiim ah isugu yimid Guddiga Unugta Jwxo ee magaalada Addis Ababa kulankaa oo laga Arrinsanayay hawlo muhiim ah

Ugu horrayn waxaa kulanka furay Guddoomiyaha Unugta Jwxo ee magaalada Addis Ababa Mudane Maxamed Fadxi, waxuuna xubnaha ku baraarujiyay inay lagama-maarmaan tahay in hawlaha Unugta u yaala la dardar galiyo lana xoojiyo wada shaqaynta,

Intaa ka dib waxaa kulanka lagaga Arrinsaday qaabkii loogu diyaar garoobi lahaa xuska maalinta 15-ka August oo ah maalinkii la aas-aasay Ururka ONLF oo ay ka soo wareegatay muddo 35 sano ah,

Intii uu kulanku socday ayaa laysla meel dhigay sidii loo qaban lahaa munaasabad heer sare ah oo ay ka soo wada qayb galaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa,

Waxaa kale oo kulanka laga dooday qaabkii loo dardar galin lahaa Abaabulka iyo dhiiri galinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa iyadoo la marayo dariiq walba oo lagu baraarujin karo bulshadan Soomaaliyeed,

Guntii iyo gunaanadkii shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyadoo lagu ballamay shaqo halgan ooy daacadnimo ku gadaaman tahay.

Bashiir Hirmooge.
ONA/Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay