Waxaa Xerada qoxootiga Xagardheere ee Deegaanka Faafi kaqabsoomay kulankii caadiga ahaa ee Faraca Iftin ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia.

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo qorsheeyay ayaa lagu Marti qaaday qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan Xagardheere iyo xubno katirsan JWXO oo kasoo laabtay wadanka Ogadenia.

Kulanka ayaa sidii caadada ahayd lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaana si toos ah looguda galay ajandayaashii shirka.

Intaas kadib waxaa warbixino mug leh laga dhagaystay xubno katirsan Kaadirka JWXO oo kasoo laabtay wadanka Ogadenia, kuwaas oo xubnaha ree Xagardheere uga warbixiyay marxalada uu dalkii marayo.

Gabagabadii waxaa si qurux badan kusoo dhamaaday kulankii uqabsoomay xubnaha iyo taageerayaasha JWXO ee xerada qoxootiga Xagardheere.

ONA/Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay