Waftigii Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) oo uu horkacaayay Xoghayaha guud ee Mudane Abdirahman Sheekh Mahdi Maadeey ayaa waxay kulamo la qaateen dawlada swedan kulamadan ayaa waxay ka dhacee guriga baarlamaanka wadanka Swedan.

Waftiga ayaa waxay la kulmeen Madax sare oo ka tirsan dawlada Swedan waxaana kamid ahaa u qaabil sanaha Wasaarada arimaha dibada wadanka Swedan ee qaarada Afrika ahna xubin kamida xisbiga Social Democratic ee haya talada wadanka Swedan Mr Anders ÖSterberg waxaana kamid ahaa wax yaalihii laga wad hadlay sidii dawlada swedan uga taageeri lahayd baahiyaha aas aasiga ah shacabka soomaalida Ogaadeniya sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxaa sidoo kale Madaxda JWXO la Kulmiyeen Madaxa Dalada OPC Mr Oscar oo ah dalad ay ku midoobeen 27 urur oo kamid ah oo ka dhisan wadanka swedan, iyo Deniel Färm oo ah sarkaal sare oo ka tisan xisbiga haya talada wadanka Swedan.

Dhanka kale waxaa Laga wada hadlay sidii Dawlada Swedan ay qayb wayn uga qaadan lahayd bixinta siminaaro kor loogu qaado wacyiga bulshada Deegaanka soomaalida si loo helo bulsho caafimaad qabta oo xaqeeda u raad sata si nabada.

Kulankan oo ahaa Maalintiisii koobaad ayaa maanta intaas kusoo idlaaday waxaana bari dhici doona kulamo kale kuwaasi looga hadlo doono arimo badan oo khuseeya shacabka Soomaalida Ogadeniya.

ONA/Swedan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay