Waxaa maalinimadii Shalay oo Isniin ahayd booqasho muhiim ah ku yimid Xafiiska Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee magaalada Addis Ababa Ergayga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka Isbahaysiga Islaamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (O.I.C) fadhigiisuna yahay magaalada Jidda ee caasimadda dalka Saudi Arebia, Amb. Cabdirisaaq Siyaad Cabdi.

Waxaana si heer sare ah u soo dhaweeyay Gudoomiyaha Xafiiska ONLF ee Magaalada Addis Ababa Mudane Xassan muxumed Ow Macalim.

Soo dhawayn qiimo badan ka dib labada mas’uul ayaa kawada hadlay arimo fara badan oo ay ugu muhiim sanaayeen xaaladaha Geeska Africa, sida Amaanka iyo hormarka.

Labada mas’uul ayaa isla meel dhigay in ay lagama-maarmaan tahay in si xeeldheer loola falgalo Arrimaha ka taagan Geeska Africa iyadoo xoogga la saarayo sidii looga shaqayn lahaa iskaashiga bulshooyinka mandaqada kuwada nool, Isla markaana amaanka looga wada shaqayn lahaa.

Kulanka oo mudo dheer socday ayay labada mas’uul Isla garteen wadiiqada loomari karo kawada shaqaynta amaanka iyo hormarinta bulshada Geeska Africa kuwada nool.

Gabagabadii labada mas’uul ayaa isla qaatay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah lana xoojiyo wada shaqaynta hor’umar horseedaysa.

Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee magaalada Addis Ababa ayaa tan iyo intii lafuray qabtay howlo muhiim ah, wuxuuna Xafiisku qaaday talaabooyin waawayn oo bulshada Soomaalida Ogadenia iyo tan Geeska Africa ba wax tar uleh.

ONA/Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay