Waftigii Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya ee JWXO ee uu horkacaayay xoghayaha guud ee JWXO Abdirahman Sheekh Mahdi Maadeey ayaa kulamo kala duwan la qaatay Dawlada Wadanka Swedan, waxaana Maanta sii socotay Maalintii Labaad oo shirar toosa kasii socdaan guriga Baarlamaanka Wadanka Swedan.

Waftiga ayaa waxay maanta kulan la qaateen Madaxwayne ku xigeenka midawga ururka shaqaalaha SEKO Mr Gabreimo Cavechia, Madaxa isgaadh siinta wadanka Mr Mr Markus Petterson Chefka Social Media Mr Alan Kartal.

Kulan ayaa looga hadlay waxyaalo badan oo ay kamid ahaayeen sidii dawlad Swedan ay qayb muhiima uga qaadan lahayd kaalinta horumarineed iyo dib u dhis ee gobolka Ogaden.

Waftiga ayaa sidoo kale wuxuu la kulmay wariyihii caanka ahaa ee booqday gudaha Ogaadeniya kaasoo naftiisa khatar u galiyay siduu ugasoo warami lahaa gudaha Ogaadeniya Mr Martin Schibbye, wuxuuna waraysi dhinacyo badan taaban haya ka qaaday xoghayaha guud ee JWXO Mudane Abdirahmaan Mahdi Maadeey iyo kuxigeen kiisa Mudane Ahmed Yaasiin Sheekh Abdulaahi.

Waftiga Xoghayaha ayaa waxay sidoo kale si gaara uga wada hadleen Dawlada Swedan, xubno kamida Baarlamaanka wadanka Swedan, wariye yaal iyo shaqsiyaad magac kule ururada maxaliga ah sidii shacabka Ogaadeniya looga caawin lahaa dhinacyo badan oo ay kamid ahaayeen baahiyaha aas aasiga ah.

ONA/Swedan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay