Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya ayaa waxay sheegaan in Maleeshiyaad hubaysan oo Oromo ah ay gudaha usoo galeen deegaanka soomaalida qiyaastii 30 KM, gaar ahaana duleedka dagmada Qubi ee gobolka Erar waxayna ku dileen wiil shacab ah oo magaciisa naloogu sheegay Xassan Khaliif.

Marxuum Xassan ayaa wuxuu ka tagay sida naloo xaqiijiyay laba Gabdhood oo aan qaan gaadhin wuxuuna ahaa aabo dhalinyara ah oo nabada jeclaa, Xassan ayaa wuxuu ahaa Walaalka Halgame Gafdiid Khaliid oo kamid ah kaadirka JWXO, ilaahay waxaan uga baryayna inuu naxariistii Jano ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay na samir iyo iimaan ka siiyo gaar ahaana waxaan uga tacsiyayn haynaa Halgame Gafdiid.

Colaada soomaalida iyo Oromada oo horay ay u abuureen maamulka TPLF ayaa waxay gaadhay meel fog waxaase dhawaanahay la dareemayay in colaadaasi ay sii damaysay.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili todobaadkii lasoo dhaafay deegaanka soomaalida soomaalida ay ku sugnaayeen wafti balaadhan oo ka socday deegaanka Oromo oo uu horkacaayay Madaxwaynaha Deegaanka Oromiya.

Arinta ayaa waxay noqon kartaa inay jiraan kooxo fidna wadayaal ah oo raba inay hurinaya dagaaladii Oromada iyo Soomaalida, Maamulka deegaanka soomaalida iyo Oromiya ayaan mid ka hadal dilka Marxuumka.

ONA/Ogadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay