Waxaa maanta oo Jumce ah si nabad ah kusoo dhamaaday Imtixaankii Ardayda madarasada Xirsi Mahad ee xerada qoxootiga Dhagaxlay.

Imtixaanka oo mudo usocday Ardayda wax kabarata Madarasada Xirsi Mahad ee xerada Dhagaxlay ayaa kusoo dhamaaday si nabad, waxayna macalimiintu abaal Marin gudoonsiiyeen ardaydii gashay kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad.

Maamulaha Madarasada Xirsi Mahad Sh Axmed Daahir Cali oo Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA) lahadlay ayaa sheegay in Ardayda wax kabarata Madarasada Xirsi Mahad ay sifiican ula jaanqaadeen waxbarashada Isla markaana ay jiraan darday ka aflaxday Madarasada.

Qaar kamid ah waalidiinta Ardayda ayaa sheegay in ay kufaraxsan yihiin sida ay ubadkoodu wax uga bartaan Madarasada Xirsi Mahad.

ONA/Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay