Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo kaqabsoomay kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU).

Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa loogu diyaar garoobayay sanadguurada JWXO oo lagu wado in ay magaalada Wardheer kaqabsoonto bishan aan kujiro ee August.

Ugu horayn waxaa sidii caadada ahayd kulanka lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, waxaana kulanka khudbad dhaxal gal ah kasoo jeediyay Xoghayaha Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Gobolka Doollo Halgame Faarax Murabi.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay hogaaminta Ururka OYSU ee Dagmada Wardheer, waxayna dhalinta kubooriyeen in ay udiyaar garoobaan qabashada Sanadguuradii 35aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii JWXO, taas oo markii ugu horaysay mudo 27 sano ah lagu wado in ay kaqabsoonto magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo.

Qaar kamid ah xubnaha JWXO ee kulanka kasoo qayb galay ayaa Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA) usheegay in ay kufaraxsan yihiin in ay kaqayb galaan sanadguurada JWXO oo markii 1aad kaqabsoomi doonta magaalada Wardheer.

Shaafi Duulane.
ONA Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay