Waxaa maanta booqasho muhiim ah ku yimid Xafiiska Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee Addis-Ababa guddoomiyaha golaha ay ku bahoobeen Xisbiyada Itoobiya ahna hogaanka Arrimaha dibadda ee Xisbiga mucaaradka Canfarta ee marka la soo gaabiyo magaciisa loo yaqaano A.P. P. Dr- Muse Adam, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa halgame Hassan Moalin.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku billowday qaab heer sare ah waxayna si waaqici ah u lafa gureen xaaladda dalka Ethiopia iyo meesha ay marayso, geesta kale waxay ka wada hadleen halka ay marayaan Arrimaha doorashooyinka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa,

Waxaa kale ooy ka wada hadleen labada mas’uul sidii loo dajin lahaa khilaafka ka dhaxeeya labada Shacab ee Canfarta iyo Soomaalida, waxayna hoosta ka xariiqeen inay lagama-maarmaan tahay in si xeel dheer looga faa”iidaysto isbadalka ka hooray Geeska Africa lagana gudbo is qab-qabsiga dhax-yaala labada shacab.

Gabagabadii kulanka ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyadoo lagu ballamay in la joogteeyo kulamada caynkan oo kale

Taniyo intii la furay xafiiska ONLF ee magaaladan Addis Ababa waxaa si xawli ah u socota howlaha uu qabanayo isaga oo xafiisku si hagar bax ah ugu Adeegaya bulshadiisa Soomaaliyeed.

Bashiir Hirmooge
ONA. Addis Ababa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay