Deg Deg: Xaflad Lagu Xusayo Aas’aaskii JWXO oo Dhagaxbuur Kafurantay.

Waxaa Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar hada si rasmi ah uga furmay xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo aas’aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Xafladan oo ah mid si aan laqiyaasi katin loosoo qorsheeyay waxaa kasoo qayb galay inta badan dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dhagaxbuur.

Sidoo kale waxaa hoolka siwayn usoo camiray xubnaha JWXO oo si quruxbadan ugu labisan calanka quruxda badan ee JWXO iyo calaamadaha kale ee Jabhada.

Qaar kamid ah madaxda iyo Kaadirka JWXO ayaa si habsami leh dadwaynaha ugu sharaxaya taariikhdii dheerayd ee shacabka Soomaalida Ogadenia ay soomareen iyo waliba meesha hada loosocdo.

Xafladan oo ah mid dadku ay usoo wada baxeen wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay