Waxaa magaalada Fiiq ee Xarunta Gobolka Erar si habsami leh uga socota xaflad lagu maamuusayo sanadguurada 35aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Xafladan oo ah mid aan lookala hadhin ayaa lagu qabtay badhtamaha magaalada Fiiq, waxaana kasoo qayb galay xubnaha JWXO, Taageerayaasha halganka iyo dadwayne aad utiro badan oo kulabisan astaamaha JWXO.

Waxaa hada socda khudbado dhaadheer oo ay soojeedinayaan xubno katirsan Kaadirka iyo madaxda JWXO waxaana da’yarta si hufan looxasuusinayaa sooyaalkii taariikheed ee dalkeenu uusoomaray.

Wixii kasoo kordha xafalda sanadguuda JWXO ee Fiiq kasocota kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA Fiiq.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay