Munaasabadan oo ahayd mid si heersare ah ay usoo agaasimeen Unugta Jwxo ee Magaalada Muqdisho isla markaasna soo buuxdhaafiyeen Shacabwaynihii soomaaliyeed ee kunoolaa Muqdisho iyo xubnihii Jwxo ee kahawlgalayay Magaalada waxaa markii ugu horaysay intii Muda ah siwayn ubilayay ugana dhex muuqday Madashii kulanka Muuqa Sadex Midablaha Calanka Ogaadeniya ooy kaqayb galayaashu ugu soo labisteen si Xiiso iyo xamaasadi weheliso.

Khudbado tira badan oo xidhiidh ah kuna saabsanaa Tagtadii, Timaadada & Xaalada hada lagu jiraba ayay soo jeesiyeen Masuuliyiin JWXO oo kaqaybgalayay Xafalada isagoo ladhagaystay aaraa’dii kaqaybgalayaasha & hadal soo jeedintii Maamulka Unugta

Dhanka kale waxaa Madashii xaflada wacdaro ka muujiyay Kooxaha fanka & Suugaanta ooy kala hogaaminayeen labada kooxood ee kala.
Kooxda Hiil Qaran oo ah kooxda Unugta Jwxo ee Muqdiaho &
Kooxda Horseed ee Qaranka Soomaliyeed oo uu Macalinkoodu yahay Abwaan Kaadheeri.

Dhanka kalana waxaa ladoortay Maamulka cusub ee Unugta Jwxo ee Muqdisho daadihin doona Halka sano ee soo socota isla markaasna waxaa lagu sagootiyay madasha maamulkii wakhtigu kadhamaaday ee uu gudoomiye ka ahaa Halgame- Xuseen-Shariif

Maamulka Cusub ee ladoortay waxay kala yihiin:
1. Halgame Maxamuud Mawliid ( Baakistaani) – Gudoomiye
2. Cabdullahi Shafici -Xoghaye
3. Cabdi Cismaan Cilmi
4. Maxamuus Cabdullahi
5. Maxamad-Wali Mukhtaar
6. Maxamad Qorane
7. Maxamad Nuur Saahid
8. Hodan Asad
9. Ardo Nuur
10. Rooda cabdi
11. Maxamad Cumar

Gaba-Gabadii Munaasabada waxaa lagu Abaal Mariyay hawlwadeenkii shaqada halganka soo waday halkii sano ee lasoo dhaafay kuwii ugu hawlkarsanaa ee loo aqoonsaday Madaalayaasha Halganka.

Waxayna Xafladii kusoo Xidhantay Farxad & Rayn Rayn isagoo dadkii madasha joogay ay isu marcabeeyeen, ugu danbayna ducadii & dardaarankii culumadaa lagu afmeeray.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay