Waxaa lagu qabtay magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland xaflad lagu xusayo sanad guuradii 35 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO) taasi oo ay kasoo qayb galeen dad wayne fara badan oo kamida shacabka somaliyeed ee ku dhaqan garowe iyo shacabka Ogaadeniya ee magaalada ku dhaqnaa.

Xafladan ayaa kasoo qayb galay masuuliyiin jabhadeed kaadir iyo hawul wadeenada JWXO ee magaalada Garowe waxaa sidoo kale kasoo qayb galay odayaal dhaqameedyo caanka ah magaalada Garowe.

Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigay taariikhda iyo aas aaskii Jabhada Gobonimo doonka ah ee JWXO, waxaana kale oo lagu soo bandhigay ciyaarta hidaha iyo dhaqanka somaliyeed ee dhaantada.

Guud ahaan ba Caalamka iyo Ogaadeniya ayaa Sanadkan laga xusayaa sanad guuradii kasoo 35 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii JWXO.

Xaflada ayaa gaba gabadii kusoo dhamaatay si guul ah farxad iyo rayn rayn.

ONA/Garowe.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay