Waxaa si nabad ah kudhamaaday xaflad balaadhan oo taageerayaasha JWXO iyo shacabka Dagmada Wardheer ay kuqabteen badhtamaha magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo.

Xafladan oo lagu maamuusayay Sanadguuradii 35aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa saaka Kafurantay hoolka shirarka ee magaalada Wardheer, waxaana Xaflada kasoo qayb galay dadwayne aad ubadan oo si quruxbadan ugu soo labistay calanka JWXO.

Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa dadwaynaha kula hadlay madashii ay xafladu kadhacaysay, waxayna madaxdu dadwaynaha uqeexeen Halgankii dheeraa iyo meesha uu hada marayo.

Dadwaynaha ree Ogadenia ee kudhaqan Magaalada Wardheer ayaa maanta muujiyay taageerada ay uhayaan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo baahida ay uqabaan xoriyad taam ah oo ay helaan.

Shaafi Duulane.
ONA Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay