Waxaa si nabad ah kudhamaaday xaflad balaadhan oo xubnaha JWXO iyo taageerayaasha halganku ay kuqabteen badhtamaha Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob.

Xafladan oo furantay barqin nimadii maanta ayaa lagu qabtay badhtamaha Dagmada waxaana siwayn goobta ay xafladu kadhacaysay usoo camiray dadwayne ay wajiyadooda kamuuqatay farxad wayn.

Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa Xaflada kasoo jeediyay khudbado dhaxal gal ah, waxayna madaxdu dadwaynaha uqeexeen Halgankii dheeraa iyo meesha uu maanta marayo.

Gabagabadii xatladii maanta ee Dagmada Garbo ayaa kusoo dhamaatay si nabad waxayna dadwaynuhu isku salaamayeen sanadguuro wacan.

ONA Garbo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay