Waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee Deegaanka Dhadhaab kusoo gabagaboobay shirkii Afar bilood laha ahaa ee Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Bariga Africa (JABSO).

Kulankan oo ahaa mid heer sare ah waxaa kasoo qayb galay faracyada Jaaliyada JABSO ee kahowl gala Nairobi, Gaarissa, Xagardheere, Ifo iyo Dhagaxlay. Sidoo kale waxaa kulanka kasoo qayb galay Gudiga Qoxootiga Ogadenia ee Dhadhaab ka howl gala (Ogaden Community Committee).

Shirkan oo ahaa mid 4tii biloodba mar laqabto ayaa doorkan lagu qorfeeyay qodobo dhowr ah oo dan u ah guud ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia iyo halganka ay unasab sheegtaanba.

Sidoo kale kulankan ayaa aad loogu qaadaa dhigay xaalada qoxootiga Ogadenia ee Wadanka Kenya, taas oo baryihii udambeeyay aad looga dayrinayay.

Kulankan oo mudo saacado ah socday ayaa lugu dajiyay qorshalaal muhiim ah kuwaas oo ladoonayo in ladhaqaajiyo inta aan lagaadhin kulanka kan xiga hadii Alle Idmo.

ONA/Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay