Dhammaan xubnaha JWXO, taageerayaasha iyo guud ahaan shacab waynaha Soomalida Ogaadeenya waxaan idiin soo gudbinayaa salaan gacaltooyo iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda sanad-guurada 35aad ee aasaaskii JWXO.

Munaasabaddan waxaa looga dabaaldegayaa aduunka dacaladiisa oo dhan. Hase yeeshee, Xuska sanadkan wuxuu noo leeyahay xusuus gaar ah. 

Haddii waayadii hore laga xusi jiray munaasabadan dibadda oo kali ah, waxaa maanta Ilaahay mahadii ah inuu shacabkeenii gudaha fursad u heleen iyagoo wada jira maamul iyo shacabba inay cabsi la’aan ku xusaan munaasabaddan iyagoo gacmaha is haysta oo xusuusanaya halgankii dheeraa ay soo mareen.

Shacbiga Soomalida Ogaadeenya waxay soo galeen walina ku jiraan halgan adag oo ay ku raadinayaan aayo-ka-tashigooda.

Xuska 35aad waxay astaan u tahay adkaysiga iyo ku-mintidka hadafkii dheeraa ee shacabkeenu hiigsanyey.

Waxaan ku ammaanayaa kuna bogaadinayaa dhammaan mas’uuliyiinta, hawlwadeenada iyo xubnaha JWXO hawlaha halganeed ee ay wadaan.

Waxaan ilaahay ka baryi in uu si guul ah inagu gaadhsiiyo, ujeedadaan sanooyinka badan u soo halgamaynay.

Adm. Mohamed Omar

Guddoomiyaha Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadenya( JWXO).

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay