Waxaa maalinimadii shalay booqasho heer sare ah ku yimid Xafiiska Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee Magaalada Adiss Ababa Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Abdirahmaan sheikh Mahdi (Maaddeey) oo ka soo laabtay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalalka dibadda ah.

Waxaana Xoghayaha sifiican u soo dhaweeyay guddoomiyaha Xafiiska JWXO ee Addis Ababa Mudane Hassan Moalin iyo kuxigeenka xafiiska Marwo Khaalisa Ugaas Mahad iyo hawul wadeenada kale ee xafiiska Jabhada Magaalada Adis Ababa.

Xoghayaha JWXO Mudane Maaddeey ayaa xog-waraysi la yeeshay gudoomiyaha Xafiiska mudane Hassan Moalin, wuxuuna Xoghayuhu aad u bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee uu hayo xafiisku iyo dadaalka ay wadaan musuuliyiinta xafiisku, Is-waraysi kadib wuxuu xoghayuhu soo kor meeray qaabka ay u socoto shaqada xafiisku isagoona aad ula dhacay sida hagar la’aanta ah ee hawl-wadeenadu shaqada u wadaan,

Taniyo intii la furay xafiiska ONLF ee magaaladan Addis Ababa ayaa waxaa si xawli ah u socda shaqooyinka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan Addis Ababa,

Bashiir Hirmooge.
ONA/Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay