Waxaa si guul ah kudhamaaday xafladii sanadguurada 35aad ee JWXO oo kasocotay Dagmada Dhooblay ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xaflada ayaa ka qabsoontay Beerta Nabada oo kutaala badhtamaha magaalada Dhooblay, waxaana Xaflada soobuux dhaafiyay dadwayne aad utiro badan oo kulabisan calanka JWXO.

Sidoo kale waxaa Xaflada khudbado dhaxal gal ah kasoo jeediyay Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo uu kujiro Hogaanka Xidhiidhka Dadwaynaha ee JWXO mudane Sulub Cabdi Axmed.

Dhinaca kale waxaa Xaflada khudbado muhiim ah kasoo jeediyay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Dhooblay. Waxayna Odayaashu siwayn usoo dhaweeyeen qorshayaasha Jabhada ee dal iyo dibadba kasocda.

Gabagabadii waxaa Xaflada sooxidhay madax katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo tilmaamay in amaanka iyo wada noolaanshaha laga wada shaqeeyo.

ONA/Dhooblay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay