Waxaa saaka magaalada Xamaro ee gobolka Erar shir balaadhan ku qabtay wafti ka socday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) oo uu horkacaayay Hogaanka Arimaha Gudaha ONLF Halgame Haaji Mohamed Cabdi Yaasiin (Diirane) waxaana shirka kasoo qayb galay dadwayne aad u fara badan dhalinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka ayaa waxaa qudbad qiimo badan iyo hadal dhinacyo badan taaban haya ka jeediyay Xaaji Mohamed Abdi yaasiin Diirane oo kamida masuuliyiinta ugu saraysa ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya wuxuuna shacabka kala hadlay sidii la isugu keeni lahaa bulshada asagoo xooga saaray in wakhtiga loo baahan yahay in waxkasta lagaga gudbo Midnimo iyo Wadajir.

Waxaa kale oo meesha ka hadlay qaar kamid ahaa odayaasha iyo wax garadka bulshada ee shirka kasoo qayb galay, dhanka kale waxaan meesha ka madh nayd gabayo guubaabo ah oo uu goobta kasoo jeediyay Abwaan Khadar Colaad oo kamid ahaa waftiga safar ku wehelin hayay Halgame Haaji Diirane.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul waxaana kulamo gaar gaar ah la la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada dhalinyarada, Odayaasha, hooyooyinka iyo cuqaasha  magaalada Xamaro.

ONA/Xamaro.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay