Waxaa maanta kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay siday u qabsoomi lahayd sanad guurada JWXO ee magaalada Addis Ababa wada yeeshay xafiiska JWXO iyo guddiga qabanqaabada sanad guurada oo ku beegan 25/8/2019 oo ah maalinimada Axadda ah ee foodda igu soo haysa

Kulanka oo ahaa mid si weyn diirada loogu saarayay sida qaab heer sare ah ugu qabsoomi lahayd sanad guurada JWXO ee magaaladan Addis Ababa ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Xafiiska JWXO ee Addis Ababa Mudane Xassan Macalin Muxumed, waxuuna goobta ka jeediyay hadallo muhiim ah oo ku saabsan xafladda sanad guurada JWXO ,

Waxaa kaloo goobta ka hadlay iyaguna guddiga qabanqaabada xafladda iyaga oo guddoomiyaha Xafiiska uga war-bixiyay halka ay wax marayaan iyo qaabka ay u socoto hawsha sanad guurada JWXO ee magaaladan Addis Ababa,

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laysla qaatay in maalinka Axadda ah ee foodda inagu soo haysa la gilgilo magaaladan Addis Ababa aadna loogu dabaal dago sanad guurada 35-aad ee JWXO.

ONA/Adiss Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay