Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday safar uu Gudoomiyaha Hogaanka Xidhiidhka Dadwaynaha JWXO Halgame Sulub Cabdi Axmed uu kutagay Gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya.

Safarkan oo ahaa mid shaqo ayuu Hogaanku kula kulmay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Dagmada Dhooblay ee maamulka Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Dhooblay, kuwaas oo waxbadan oo dan u ah bulshada ay kawada hadleen.

Sidoo kale Hogaanka ayaa lakulmay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Magaalada Dhooblay, kuwaas oo aad ugu oomanaa aragtida hogaaminta aragtida dheer JWXO.

Safarkan oo Hogaanka ay kuwehelisay Bahda Warfaafinta JWXO ayaa uqabsoomay sidii loogu tala galay waxayna Hogaanka iyo Saxaafada JWXO ba siwayn uga qayb qaateen sanadguuradii 35aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii JWXO oo kaqabsoontay magaalada Dhooblay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay