Waxaa si habsami ah Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ee wadanka Soomaaliya uga qabsoontay xafladii Sanadguuradii 35aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Xafladan oo ahayd mid si wayn looga sooshaqeeyay ayaa kaqabsoontay badhtamaha magaalada Gaalkacayo, waxaana kasoo qayb galay dadwayne aad utiro badan oo kulabisan calanka JWXO.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Gaalkacayo, iyo waliba xubno kamid ah maamulka Dagmada Gaalkacayo.

Xafladan oo ahayd midii ugu horaysay oo si lawada ogyahay uga dhacda magaalada Gaalkacayo ayaa kudhamaatay si guul ah.

ONA/Gaalkacayo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay