Boqolaal kamid ah shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa isugu yimid hool wayn oo kuyaala badhtamaha magaalada Jabuuti ee caasimada wadanka Djabuuti.

Kulankan oo ahaa mid taariikhi ah ayaa lagu maamuusayay sanadguurada 35aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Dadka hoolka soobuux dhaafiyay oo ay kamuuqatay farxad aad ubalaadhan ayaa mudo sanado ah markii ugu horaysay si xor ah ugu Soo labistay calanka JWXO badhtamaha magaalada Jabuuti.

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen xubno katirsan Kaadirka JWXO ayaa dadkii kasoo qayb galay lagu baray Taariikhda wadankooda iyo halgamadii soomaray.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaatay xafladii sanadguurada JWXO oo lagu qabtay Magaalada Jabuuti.

ONA/Jabuuti.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay