Waxaa maanta soo booqday xafiiska JWXO ee magaalada Addis Ababa guddoomiyaha xisbiga Muwaadiniinta Cadaaladda iyo Hurumarka Ethiopia ee marka magaciisa la soo gaabiyo Afka qalaad lagu yidhaahdo (ECSJ) Ahaana guddmiyihii hore ee Jabhada Ginbot Sabat (Ginbot 7) Dr Burhanu Nege, waxaana si heer sare ah u soo dhaweeyay Xoghayaha Guud Ee JWXO Mudane Cabdirahmaan sheikh mahadi Maadeey, salaan iyo soo dhawayn ka dib.

Labada mas’uul ayaa wada yeeshay shir aad u muhiim ah oo lagaga hadlayay Arrimo badan oo khuseeya siyaasadda Geeska Africa gaar ahaan midda Ethiopia oo ay ka socdaan Isbadallo xawaarahoodu aad u sareeyo iyo siyaasado ku dhisan hab dimuquraadiyadeed.

Shirka labada mas’uul oo ahaa mid xilligiisii ku soo beegmay ayaa aad loogu lafa guray heerka ay marayso siyaasadda dalkan Ethiopia, kulanka labada mas’uul ayaa isla qaateen Arrimo ay ka mid Ahaayeen.

Sii xoojinta isbadalka dimuquraadiga ah ee socda guud ahaanba Itoobiya, sii xoojinta Nabadda iyo wada noolaashiyaha shucuubta kuwada nool Itoobiya, waxaa sidoo kale labada masuul iska waraysteen ra’yi na iska waydaarsadeen qaabka ay u dhacayaan Doorashooyinka soo socda ee Itoobiya ka dhici doona.

Waxay sidoo kale Labada masuul isla meel dhigeen in la isku ixtiraamo wax yaalaha kusaab san aragtida ee lagu kala duwanaan karo lana ilaaliyo dimuqraadiyada.

Gabagabadii shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyadoo labada mas’uul isla qaateen in loo baahan yahay wada shaqayn dhab ah oo dhax marta xisbiyada ka diiwaan gashan guur ahaanba Itoobiya.

Bashiir Hirmooge.
ONA/Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay