Waxaa maalinimadii shalay lagu qabtay magaaladan Addis Ababa shir heer sare ah oo loo qabtay jaamacadaha Itoobiya, shirkaas oo Ahaa mid ay soo qaban qaabisay Safaaradda dawladda Maraykanka ayaa waxaa lagu marti qaaday Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya, waxaana goobta joogay Hogaanka Arrimaha diplumasiyada iyo Xidhiikha Arrimaha faderaalka ee ONLF Mudane Xassan Macalin.

Ugu horrayn waxaa shirka furay Madaxweynaha Jaamacadda Addis Ababa isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay Ahmiyadda ay jaamacaduhu u leeyihiin Umadda iyo sida ay muhiimka u tahay kobcinta wax-barashada heerarkeeda kala duwan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Addis Ababa isagoona carabaabay sida ay lagama-maarmaanka u tahay horumarka waxbarashada iyo qaabka loo sii xoojin karo.

Waxaa iyana goobta ka hadlay Wasiirka Nabadda ee dawladda Itoobiya iyo Wasiirka Tigniloojiyadda iyo Tacliimta sare ee Itoobiya iyagoona ku dheeraaday qaabka loo sii xoojin karo wax barashada iyo isku xidhka bulshada looguna faa’iidayn karo bulshada qaybaheeda kala duwan

Gabagabadii shirka ayaa waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay labada Jaamacadood ee kala ah Jaamacadda Jima University iyo Jaamacadda Maqale University oo kamid ah jaamacadaha xaga tayada wax barasho ugu fiicnaa.

Bashiir Hirmooge.
ONA Addis Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay