Deg-Deg: Jubba Land oo dooratay Madaxwayne cusub

Doorashada Maamul gobaleedka soomaaliyeed ee Jubba-Land oo dhalisay buuq fara badan intii Muda ahaydna soo jiidantay ayaa maanta kusoo dhamaatay jawi nabadeed.

Doorashada Madaxwaynaha Maamulka Jubba-Land oo ay utartamayeen afar Musharax oo isu diwaan galisay gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Jubba-Land waxaa Tanaasulay Mid kamid ah Musharixiintii waxaana Saaka Masraxa ku hardamay Sadex musharax oo kala ah
1. Axmad Maxamad islaam
2. Canab Maxamad Daahir
3. Maxamad Muxumad

Codbixinta doorashada lagu soo xulayay Laguna dooranayay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Jubba-land waxaa Bixinayay Cododkooda 74 Xildhibaan oo ah Xildhibaanada Labaad ee Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubba-Land waxayna Natiijadii Noqotay sidan:
Axmad Maxamad islaam oo helay 56 Cod
Canab Maxamad Daahir oo helay 17 Cod
Maxamad Muxumad oo helay 1 Cod

Sidaas waxaa ku guulaystay Madaxwaynihii hore ee Maamulka Gobalka soo hogaaminayay sanadihii lasoo dhaafay Mudane Axmad Maxamad Islaam

Isla markii uu natiijadii doorashada kufhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka labaad ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubba-Land waxaa loo dhaariyay Xilkii Madaxwaynanimada
Madaxwayne Axmad Maxamad islaam waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jubba-land.

Dhanka kale waxaa goob joog ka ahaa Doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubba-Land dad tiro badan oo meela kala gadisan kayimid haba ubadnaadeen Xildhibaanada labada aqal ee faderalka soomaliya kuwaas oo muujiyay kuqanacsanaantooda hanaanka doorashadu usoosocotay iyo sida ay ku qabsoontayba.
Waxyar kadib kudhawaaqidii natiijadii iyo dhaarintiisii xilka loo dhaariyay waxaa Isqabsaday guud ahaanba Magaalada kismaayo Banaanbaxyo lagu muujinayay sida loogu faraxsanyahay Soo laabashada Madaxwayne Axmad Madoobe iyo hanaanka daganaanta leh ee Doorashadu ku qabsoontay.

Gabagabadii xaalada Magaalada Kismaayo waa mid dagan oo xasiloon amniga guud iyo daganaanshaheedaba.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay