Maamulka Dagmada Beer-caano ee Gobolka Shabeelle ayaa si sharci daro ah udajiyay Calankii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kababanayay Xafiiska JWXO ee Dagmada Beer-caano.

Calanka Jabhada oo ah midka uu shacabku dugsanayo ayaa lagu amray Maleeshiyaadka kahowl gala Dagmada Beer-caano, waxaana si akhlaaq xumo ah loola dhaqmay qaar kamid ah howlwadeenka Jabhada ee Xafiiska Jabhada ee Dagmada Beer-caano ayagoo xafiiskiina laga xidhay.

Hogaanka Nabad Galiyada ee Dagmada Beer-caano Cadaawe Muxumed Xiiray iyo Cabdi Fataax Muxumed Madax Xafiiseedka Maaliyada ee Dagmada ayaa sitoos ah ugu luglahaa dajinta Calanka Jabhada, ee sida sharciga baal-marsan loo dajiyay.

Sidoo kale waxay maamulka Dagmada Beer-caano Gacan qaad iyo Aflagaado isugu dareen qaar kamid ah mas’uuliyiinta Xafiiska JWXO ee Dagmada Beer-caano, waxayna maamulku handadeen muwaadiniin ka ag dhawaa Xafiiska Jabhada oo kaxumaaday sida ay maleeshiyaadku udhaqmayaan.

Bishaar.
ONA/Shabeelle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay