Baaq Taageero & Talo Guud.

Ujeedo:  MUUJIN TAAGEERO & DHIIRIGELINSHIRWEYNAHA 4-aad ee OYSU.

Anagoo ah shaqsiyaadka hoos ku xusan islamarkaasna ahaa Qaar kamid ah Ragii aas aasay Ururka OYSUOgaden Youth and Students Union waxaan halkan Baaq taageero iyo talo ugujeedineynaa Shirweyniihii 4-aad ee ururka dhalinyarada & Ardeyga Ogadenya oo sanadkan2019 si Habsami leh ugu socda Magaalada Jig Jiga ee Ogadenya.

Waxaan  marlabad taageero iyo hambalyo hawada u marineynaa Cid kasta oo ka qeyb qaadatay sidii shirweynaha u qabsoomi lahaa.  WAxaan Mahad Gaar ah u direynaa Dhamaan Maamulka iyo Masuuliyiinta dhalinyarada ee Gudaha Ogadenia joogta oo runtii si qurux badan leh ugu diyaaargaroobay sidii uu ku hergeli lahaa shirka.  

Dhinaca kale waxaan iyagana Hambalyo gaar ah u direynaa shacabweynaha reer Ogadenya oo si habsami leh ugu soo qeyb galay shirweynaha maalinkiisii 1-aad.

Hadaba anagoo og muhiimada ay leedahay wadajirka, iskaashiga, wada shaqeynta iyo  midnimadaayaan waxaan talo ugu soo jeedineynaa dhamaan Dhalinyarada, Gaar ahaan Musharixiinta in ay la yimaadaan  jawi abuuraya fur furnaan iyo kalsoonidhalinta dhexdooda ah.

Sidoo kale waxaan  kuladardaarmeyna shirweynaha in  lala yimaado stratiiyad  cad oo   qeexeysa  qaabka uu ururku ula   shaqeyn karo marxalahadan kala duwan wadanka iyo gobolka ka taaga, iyagoo la imanaya  Aragti fog  oo saldhig u ah  adkeynta iyo ka miro dhalinta ahdaafta ururka. Waxaan kaloo ku boorineeynaa maamulka cusub ee la dooron doono in uu isu dheelitirohoowlaha  ururka gudaha iyo dibada.

Mahadsanidiin

Ali Mohamed Godor ( Buubaal) – Norway

Mohamed Abdukani – Sweden

Abdullahi Mohamed-  Switzerlanad

Abdiriahman Mohamed- Denmark

Abdirashiid Colaad– Finland

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay