Shirwaynaha Afraad ee Ururka Midawga Dhalinta iyo ardayda Ogadenya (OYSU) ayaa maalintiisii labaad la soo gabagabeeyey.

Waxaa si koox koox ah looga dooday dhamaanba dukumantigii uu soo diyaariyey Gudiga qaban qaabada shirwaynaha iyo sida uu noqondoono qorshe shaqeedka ururku.

Shirwaynaha oo dhalinyaro tiro badan ay ka soo qayb galeen, waxaa maalintiisii labaad lagu ansixiyey xeerarka iyo qorshe shaqeedka Cusub ee ururku yeelandoono.

Waxaa madasha uu shirku ka dhacayo khudbad Taariikhi ah ka soo jeediyey, Gudoomiyaha xilka ka sii dagaya Halgame Shaafi Sheekh Cabdi (Shilaabo) oo ka hadlay taariikhda ururka iyo waxqabadkii mudadii uu xilka hayey.

Intaas kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Halgame Mujaahid Sheekh Ibraahin oo isaguna ka hadlay Sharciga iyo xeer hoosaadka ururka.

Marwo Juweeriya Maxamed Biixi, ayaa si guud u dulmartay waxqabadkii ururka ee dhanka xuquuqul insaanka iyo guulihii ay ka soo hooyeen, maadama uu ururku ahaa Codka Bulshada aan Codka lahayn.

Maalinta labaad ee Shirwaynaha oo ahayd dulmar guud, dib-u-sixitaan, wax ku dar iyo ansixinta xeerarka iyo dukumantiyada ururka Dhalinta ayaa ku dhamaatay guul iyo is afgarad.

ONA/Jig Jiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay