Waxaa Tuulada Dhafdhafay oo katirsan Dagmada Cadaadle ee Gobolka Shabeelle gaadhay wafti balaadhan oo kasocday Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle.

Waftigan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle Mudane Cabdulaahi Maxamed Cade (Fujur) ayaa siwayn loogusoo dhaweeyay Tuulada Dhafdhafay, halkaas oo dadwayne tiro badan ay meel fagaare ah kula hadleen.

Hogaanka Arimaha Bulshada ee Unugta JWXO ee Gobolka Shabeelle Halgame Maxamed Garaad Sahal oo makarafoonka qaatay ayaa sharaxay socdaalka waftiga iyo waajibaadka saaran dadka ree Dhafdhafay oo ah shacab ay kamuuqato diiftii iyo maamul xumadii wadanka Ogadenia kajirtay.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Tuulada Dhafdhafay ayaa dhankooda balan qaaday in ay taageero wayn oo dhan kasta ah siindoonaan Ururka Gobonimo doonka ah ee JWXO.

Waftiga JWXO ee Gobolka Shabeelle oo indhawaalaba kujiray socdaal ay ugu magacdareen Xoriyo ayaa mari doona qaybo kale oo Gobolka Shabeelle kamid ah hadii Alle Idmo.

Bishaar Cabdulaahi.
ONA Dhafdhafay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay