waxaa sinabad ah kudhamaatay codbixintii Xoghayaha Guud ee Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) oo goor dhaw lagusoo gabagabeeyay Magaalada Jigjiga.

Shirwaynaha Ururka OYSU oo socday mudo 3 Bari ah ayaa maanta galiy maalintii ugu dambaysay ee shirka waxayna xubnaha Ururku ucodeeyeen qofkii hogaamin lahaa Ururka OYSU hadii Alle Idmo.

Cumar Sheekh Maxamed (Cumar Sooya) oo kamid ahaa xubnihii musharaxiinta ahaa ayaa kuguulaystay doorashadii maanta isagoo kaguulaystay saaxiibkii halgame Faysal Ibraahim oo u sharaxnaa hogaaminta Ururka.

Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa goob joog haa iyagoo kormeerayay habka ay dhalintu isu dooranayso, waxaana si daah furi ah kudhacday doorashada Xoghayaha Guud ee OYSU.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay