Shirka  ururka dhalinyarada oo mudo sedex  maalmood ah ka socday Magaalada jigjiga, waxaa ka soo qaybgalay  Ergooyin badan oo kala yimid daafaha caalamka iyo guud ahaanba gobalada dalka.

Maalinta koobaad ee shirku waxay ahayd maalin u furan dadwaynaha, waxaana lagu soo bandhigay  Taariikhda ururka dhalinyarta iyo qax qabadkiisa, waxaana ka hadlay dadwayne badan oo ay ku jiraan Masuuliyiinta Jwxo ugu saraysa, gudoomiyayaashii  isaga danbeeyey ururka dhalinta, qaar ka mid ah Dumarka iyo wax garad kale oo badan.

Halka Maalinta labaad ee shirku ahayd, doodo iyo fikir iswaydaarsi ku saabsan  Xeerarka iyo qaab shaqeedka  ururku yeelan doono, laguna ansixiyey.

Maalinta Sadexaad ee shirka oo ahayd maalinta Doorashada, waxaa khudbado dhaxal gal ah ka soo jeediyey Xoghayaha guud ee ONLF  halgame Cabdiraxmaan Maaday, General Cabdulaahi Mukhtaar, garaad Bashiir Axmed Makhtal, Mudane Maxamed daahir Colhaye iyo Masuuliyiin kale.

waxay Masuuliyiinta Jwxo si qoto dheer uga hadleen Muhiimada uu shirkani u leeyahay Halganka Jwxo, kaalinta ay dhalintu ka qaadan karto isbadalka wadanka, Isku xidhka dhalinta deegaanka oo dhan, wadaniyada iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loo midayn lahaa islamarkaasna loo tusi lahaa waxa ka maqan iyo jiritaanka Umadnimo waxa uu yahay.

Intaas kadib gudoomiyaha gudiga qaban qaabada shirka ayaa tilmaamo ka bixiyey  habka ay doorashadu u dhacayso, isagoo soo ban dhigay gudiyada doorashada Maamulidoona.

sidaas darteed  waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey, labada Musharax eee u tartamaysay doorashada, midkastaana wuxuu soo bandhigay barnaamijka  uu ku shaqan doono mustaqbalka iyo isbadalka uu ku samayndoono ururka,

labadoodaba suaalo ayaa la waydiiyey  si fiicana way uga jawaabeen, kadibana waxaa lagudo galay, doorashadii oo ku soo dhamaatay in  loo doorto labada sano ee soo socota Hogaanka ururka dhalinyarada  (OYSU) Halgame  Cumar Sheekh Cabdulaahi(sooya) oo noqondoona  gudoomiyihii afraad ee ururka midawga dhalinta iyo ardayda Ogadenya (oysu).

isku soo wada duuboo shirwaynaha afraad ee ururka dhalinyarada oo mudadii sadexda cisho ahayd ee uu socday xamaasad lahayd ayaa ku dhamaatay guul iyo Rayn rayn.

   

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay