Waxaa Dagmada Ceel-wayne ee Xarunta Gobolka Nogob gaadhay Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Gudaha iyo Abaabulka JWXO Halgame Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane).

Halgame Diirane iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo indhawaalaba socdaalka lamagac baxay Kormeerka JWXO iyo Kalsoonida Shacabka kumarayay Gobolada Erar iyo Nogob ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay Dagmada Ceel-wayne ee xarunta Gobolka Nogob.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Ceel-wayne oo aan ukala hadhin ayaa usoo baxay soodhawaynta waftiga JWXO waxaana shacabka kamuuqatay farxad aad ubadan.

Socdaalka Hogaanka iyo wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Shiine.
ONA Ceel-wayne.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay