Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka Iyo Arimaha Gudaha ee JWXO Halgame Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa siwayn loogusoo dhaweeyay Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob.

Dadka Shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Dhuxun ayaa Mudane Diirane iyo Waftigiisa kaga hortagay duleedka Magaalada, iyagoo lulaya calanka JWXO iyo caleemo qoyan.

Qaar kamid ah shacabka Dagmada oo jubaysan ayaa sare uqaaday Halgame Diirane, iyagoo tunkooda kugeeyay goobtii waftiga ladajiyay.

Hogaanka ayaa dadwaynaha kula hadlay meel fagaare ah, wuxuuna Hogaanku kulamo gaar gaar ah layeelan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka Hogaanka wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Shiine.
ONA Dhuxun.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay