Waxaa Tuulada Garaslay oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nagob Gaadhay Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka Iyo Arimaha Gudaha ee JWXO Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane).

Hogaanka iyo waftigiisa oo Socdaalkii lamagac baxay Kormeerka JWXO iyo Kalsoonida Shacabka kumarayay qaar kamid ah Gobolada Dalka Ogadenia ayaa maanta gaadhay Tuulada Garaslay halkaas oo si aan lookala hadhin loogusoo dhaweeyay.

Halgame Diirane ayaa shacabka kula hadlay meel fagaare ah, isagoo usheegay in ay JWXO bilowday halgan Qalin ah iyadoo raadinaysa aayo katashi buuxa oo shacabka Soomaalida Ogadenia ay helaan.

Hogaanka ayaa kulamo gaar gaar ah lagali doona qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna Hogaanku siwadan doonaa socodkiisa hadii Alle Idmo.

Shiine.
ONA Garaslay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay