Taariikhda halganada gobanimadoon waa isku mid. Qofkii u haysta inuu gumaysiga Wayaanaha kuwii ka horeeyay ka duwan yahay ama shacabka S.Ogadenya kuwii soo halgamay ay ka duwan yihiin waa qof jaahilnimo ku raagtay dugsanaya. Gumaysi waxaa lagu yaqaanaa inuu shacabka uu gumaysto ku xukumo dil iyo xabsi iyo boob si shacabkaasi aanay marnaba isugu raacin inay gunnimadiisa ka xoroobaan. Shacabkii doorta inuu ka boxo gunnimada oo dalkiisa uu ugu noolaado si xor ah waa inuu u huraa naf iyo maal. Wada kale oo ka sahlan oo loo maro xoriyadda lama hayo ilaa hadda. Sababtoo ah damaca aadanaha iyo isla weynidiisa waxaa lagu joojin kara oo kali ah diidmo iyo dagaal. Inta uu halganka gobanimadoon socdo, gumaysigu wuxuu adeegsanayaa wax kasta oo shacabkaasi ku ridi kara niyad jab oo ah dil, kufsi, xabsi, jidhdil foolxun iwm. Markasta oo shacabkaasi uu ku sii adkaysto rabitaanka gobanimada, dagaalkana uu ku daba dheeraado gumaysiga waxaa sii kordha dhibaatada uu gumaysiga shacabka ku hayo isagoo ka raja qaba in dhibaatada uu ku sii kordhinayo shacabka ay soo dadajinayso is-dhiibkooda. Arinmahaa waa dhaqan ay wadaagaan gumaysiga.

Waxaa iyadana jirta dhaqan ay wadaagaan kuwa u adeega gumaysiga oo marka ugu dambaysa is-aaminsiiya inay isagiiba yihiin. Inay yihiin Itobiyaan sida kumanaankii la socday ciidanka Faransiiska (Xaraki) ee aaminsanaa inay yihiin Faransiis

Waxyaaba badan oo aan horey looga aqoon jirin Ogadenya ayaa hadda soo baxay, sababtuna wax kale ma’ahee waxaa isbdalay majarihii halganka gobanimadoon ee shacabka S.Ogadenya. Horeyba way u jireen qaar gumaysiga la socda oo kolba magac loogu yeedho sida –koofiyad dhuub-, hasa ahaatee kuwii noocaa ahaan jiray hunguri iyo madaxtinimo jacayl umbay ula socdeen gumaysiga, marar badanna dhibka ay shacabka u gaysanayeen waxaaba ka badnaa faa’iidada ay u lahaayeen iyagoo ciidanka gumaysiga iyo shacabka kala qarin jiray. Haddii waagii hore ay jirtay dawlad Somaliyeed oo taageerta halganka oy qaar badan ay halganka ugu jireen meherad ahaan, halganka hadda socda ee ku dhisan isku-tashiga iyo taageerada shacabka gude iyo dibadba, wuxuu gumaysiga u xaqiijiyay cududda shacabka S.Ogadenya oo ah tan uu loodin kari la’yahay. Sidaa darteed, masuuliyadda 1aadee la faray inay fulinayaan kuwa gumaysiga la socda hadda waa inay wiiqaan oy baabi’yaan dadnimada shacabka iyo isla-weynidiisa ilaa uu ka ogolaanayo shacabka sidooda oo kale inay ka hooseeyaan askariga Wayaanaha. Waxaa  cilmiyan loo sugay inuusan qofka markuu ogolaado dullinimo jeclayn inuu arko qaar dhigiisa ah oo diida dullinimadii uu qaatay. Kaararka midaynaya Cabdi ilay, Ibraahim dheere, Salaax dambiile iyo inta la socota waa midkaa un. Waxay aaminsan yihiin fikrad gaaban oo ah hadaan u dullownay gumaysiga waa in nalala dulloobaa.

Maxaa sabab u ah amarka la sheegay in la siiyay maxaysatada Cabdi iley iyo ciidanka Wayaanaha ah ee daba taagan. Nin goobjoog ahaa ayaa wuxuu yidhi; saraakiisha cadawga mid ka mid ah ayaa ugu khudbeeyey waa dad meel la’isugu keenay roobkii ayaa idiin da’ay oo waad doogsateen .. waase waqtiga ay anaga noogu xuntahay oo jabhadiina ay dagaalada nugu soo qaadaan ee is-ilaaliya.

Huwantii isu bahaystay in halganka shacabka Ogadenya lagu gabagabeeyo in cadawga la’isu dhiibo shuruud la’aan markay ku guul-dareysteen qorshahoodii gude iyo dibadba ayay hadda waxay u dhaqaaqeen in shacabka la gumaado si aaba yeel la’aan ah, iyagoo dambi uga dhigaya waxaad diideen nabadii. Talaabada noocan ah waxay ka mid tahay go’aanada uu gumaysiga qaato markuu ka quusto guusha oo xaalkiisu noqdo inuu ciida iyo waxa dul taaganba isla gubo. Horeyn wax uma soo tarin gumaysiga falalkaa naxariisdarada ah, hadana waxba ma tari doonto, ugu dambayntana wuxuu shacabka maxkamadayn doonaa qof kasta oo dambi ka galay shacabka sidii horeyba u dhacday.

ONA. 

 
 

2 Comments

  1. AHMEDNUR says:

    maamule waad mahad san tahay. waxaan ognahay wadaadadu inay tijaabiyeen wadada dagaalka cududooda milatary na inay aad u xoog badnayd tan tigreeguna waagaas ay ka yarayd inta hada ay tahay gudaha iyo dibadaba . hadaan eegno awooda onlf waxaan u arkaa wali maysan gaadhin meeshii ay gaadheen wadaadadu dhanka cududa saanada iyo taageerada dibada intaba …markaad hawl ku jirtana waxaa fiican inaad mar walba qiimayso xaal xagee kuu marayaa xageed usocotaaa.. maxaad faa iidaysaa maxaa kaa khasaaray aragtidaaduna mar walba waa inaad ku dhistaa diint iyo waaqica kugu hareeraysan….hadaad ileedahay onlf awoodeedu sidaa way ka wayntahay hor u mar bayna gaadhay halgankiina meel fiican buu marayaa tigreena wuu sii dumayaa … ee aan is daba raacino wadankeenana aan hantino oon xidhano taasi waa hawo iyo guubaabo aan ku dhisnayn cilmi iyo waxa ka jira aduunka maanta iyo waxa inagu hareeraysan ….xataaa haweenka iyo caruurtuna taas kuma qanacsana maanta … waxa ku hor yaala eedan ka boodi karin uun aan indhaha iyo caqligaba saaro walalayaal .. ok maxaa ina haysta maanta .?waxaa ina haysta dadkeenii oo u lee an haya nabad galiyo laan jahli gaajo abaaro dabeeci ah khilaafyo aaan kala go lahayn oo meel walba galay adeeg laan dhan kasta .ok xabashi yaa inagu kor ilaalin haya oo nagu nabaya .?? jawaabtu waa gaalada waawayn ee males taageeraysa iyo ethiopia guud ahaan .. waxaasoo dhon waxay keenaysa ama aan u arkaa in mar xaladan la sameeyo isku duubni dadkii oo dhinac loo jaheeyo dhanka loo badan yahay oo xooga lasaaro khasaaraha intii la yarayn karo la yareeyo …jidkeeduna taas waa nabad la qaato dadka oo loo shaqeeyo wadankii oo lagusoo laabto wadamada martida lagu yahay oo laga soo wada laabto wadaad iyo nin aan wadaad ahaynba .shaqo la qabto taasna hada way ka suuroobi wadankeenii waa hadii dhinac aan isu raacno >>

  2. maamule says:

    Salaan ka dib;
    Waxaad aad ugu soo noqnoqotaa wadaadada cududa ay lahaayeen ama intay ka dileen cadawga ONLF ma gaarin kamana dilin. adigoo ku duraya ONLF ama ugu qiil bixinaya is-dhiibka wadaadada. Qofka hadaanu taariikhda umadiisa uusan ixtiraamin waa dhiilo inteeda la’eg. Hadaanu diinta uu aaminsanyahay la kaashanin waaqiciisana waa dhiilo kale. Taariikhda umadeena jabhada soo marta waxaa ugu xoog badnayd WSLF 1977 oo dalka xoreysay 90% cadawgana aad u jabisay .. natiijadii maxay noqotay? Hadii ay wadaadada cudud xoogan isu keeneen maxay ku dambeeyeen? maxayse dhaliyeen? hadafku ma’ahayn umana haliilayno dilka shaqsiga Itobiyaanka ah, hadafkii Nasrulaahi, WSLF, Wadaadada (Itixaad), ONLF wuxuu ahaa in umadda iyo dalka laga xoreeyo gumaysiga. Yaynaan ku mashquulin wax ka sokeeya umaddana yaynaan u sheegin been aan jirin. Itobiya nabad ma rabto ee waxay rabtaa in la’is diibo. Itobiya ama gumaysi oo idil marna ma diido inaad dalkaaga nabad ku dhex joogto laakiinse aadan soo hadal qaadin -Xoriyad-.
    Xagga diinta hadaan yarehe jaleecno, bal akhriya suurada Axsaab maxay odahanayeen munaafiqiintii (kuguma tilmaamine) markii la hareereeyay Rasuulka CS iyo intii la socotay? وإذ يقول المنافقون والذين في قلوبهم مرض ما وعدنا الله ورسوله إلاغرورا
    Haatan halkii umbay taagantahay .. arimahan aad qoreysaan ama wadaadada is-dhiibay ay dadka ugu sheekeeyaan waxay sii dhiiri galin un cadawga waxayna ku sii baraarujin inuu shacabka laayo oo ku adkeeyo dhibaatada si ay ugu hirgasho kuwa raba in la’is dhiibo ee Ibraahim dheere uu qabqablaha u yahay adigana aad la dhacsantahay hadalkooda ah dadkii dhamaa ee haloo noxo .. Gumaysina sidaa lagagama xoroobo. Akhriya taariikhda umadaha. والله غالب على أمره ولكن أكثر الناس لا يعلمون

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay