Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday Siminaar xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Dagmada Qalaafo mudo uga socday, kaas oo ay ka faa’iidaysteen xubno aad ubadan oo katirsan Unugta JWXO ee Dagmada Qalaafo.

Siminaarkan oo uu bixinayay Sh Maxamed Nadiir iyo xunbo Kaadirka JWXO ah oo uu hogaaminayay ayaa Xubnaha Unugta Qalaafo loogu qeexay hab shaqeedka Ururka iyo sida ladoonayo in loohowl galo.

Xubno tiro badan oo noqon doona howl-wadeenka Unugta JWXO ee Dagmada Qalaafo ayaa lagudoonsiiyay shahaadooyin ay kumutaysteen barashadii maamulka iyo xeerka JWXO.

Bishaar Cabdulaahi.
ONA/Qalaafo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay