Waxaa hada hotel-ka Shareton ee magaalada Addis Ababa kafurmay Shir balaadhan oo lagaga hadlayo Arimaha Dimuqraadiyada iyo Barnaamijka cusub ee lagumagacaabo Madhamar.

Shirkan oo ay sooqaban qaabisay Xukuumada Itoobiya ayaa lagu casuumay siyaasiyiinta wadanka iyo Ururada mucaaradka ah ee Dalka kadiiwaan gashan, waxaana lagu qaadaa dhigi doonaa Arimaha Dimuqraadiyada ee Dalka iyo Barnaamijka Madhamar.

Gudoomiyaha Siyaasada iyo Xidhiidhka Heer Faderal ee JWXO mudane Xassan Muxumed Ow Macalim ayaa kamid ah siyaasiyiinta shirka lagu casuumay, waxaana sidoo kale kulanka sooxaadiray Afhayeen kuxigeenka Baarlamaanka Itoobiya Mrs, Shitaaye.

Kulankan iyo wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA/Adiss Ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay