Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka Iyo Arimaha Gudaha ee JWXO mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) iyo Waftigii uu hogaaminayay oo maalinnimadii shalay ahayd soogaadhay Tuulada Garaslay ee Gobolka Nogob ayaa kulan balaadhan uqabtay shacabka kudhaqan Tuulada Garaslay.

Halgame Diirane ayaa madasha kasoo jeediyay khudbad aad udheer oo dhinacyo badan taabanaysay, waxaa isna dhankiisa gabayo qiimo badan bulshada usoo bandhigay Abwaan Khadar Colaad.

Dhinaca kale waxaa khudbado ay kumuujinayaan taageerada JWXO soojeediyay qaar kamid ah Odayaasha iyo waxgaradka kudhaqan Tuulada.

Shiine.
ONA Garaslay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay