Wafti balaadhan oo kasocday Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa saaka gaadhay Tuulada Qaruud oo Dagmada Abaaqorow ee Gobolka Shabeelle katirsan, halkaas oo siwayn loogusoo dhaweeyay.

Waftiga ayaa dadka shacabka ah ee kudhaqan Tuulada Qaruud uqabtay Shir balaadhan iyagoo uga xogwaramay meesha loosocdo iyo meeshii laga yimid, iyo waliba ujeedada JWXO oo ah mid ah mid aan isbadalin.

Dadka ree Qaruud ayaa dhankooda siwayn usoo dhaweeyay mas’uuliyiinta kasocotay Xafiiska Jabhada ee Gobolka Shabeelle, iyagoo sheegay in ay siwayn utaageersan yihiin Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo hogaankeeda.

Waftiga oo wali kuguda jira socdaalkoodii Gobolka Shabeelle wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Bishaar Cabdulaahi.
ONA Shabeelle.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay