Ururka Dhalinta Iyo Ardeyda Ogadeniya ee Wadanka Kenya (OYSU KENYA) ayaa siiyay wareysi iyo dood aqoon isweydaarsi ah Barnaamijka Ilays. Halkaas oo dhalinta OYSU iyo masuliyiinta Ururka OYSU ay kusoo bandhigeen Ujeedooyinka Ururka OYSU loo asaasay, waxqabadkiisa iyo waxa uu hiigsanyo Ururku.

Mudane Xassen Macalin Carab, Xoghayaha Ururka OYSU faraca Kenya ayaa xog dheer kasiiyay Barnaamijka Ilays ujeedoyinka ururka iyo abaabulka uu ugu jiro qadiyada Ogadeniya sidii loo wacyigalin lahaa bulshada khaasatan dhalinta dayarta ah sidii loogu soo xidhi lahaa qadiyadooda loona bari lahaa dhulkooda iyo dhaqankooda iyo Diintooda.

Waxaa kale oo wareysiyo Barnaamijku uu kaqaaday dhalinta ay ku sheegeen in qadiyada Ogadeniya maanta heer aad u koreysa ay gaadhsiisantahay, dhalinta Somalida Ogadeniya ay lafdhabar u yihiin halganka Ogadeniya ee lagu raadinayo sidii xoriyad lagu gaadhsiin lahaa bulshada ogadeniya dhulkana looga kicin lahaa Gumeysiga.

Waxaa kale oo Barnaamijka ilays ay dhalinta OYSU faraciisa Kenya ay siiyeen Dood Cilmiyaysan oo lagu qiimeynayo kaalinta ay ku jiraan Dhalinta Somalida Ogadeniya iyaga oo ukala qaadaya Qeybta Gabdhaha iyo Wiilasha iyo mid kastaaba kaalinta uu ku leeyahay halgankaas ee uu ka ciyaari karo. Waxaana halkaas si aad u heersareysa loogu dooday, looga xogwaramay, la isugu tusaaleyay shaqooyinka ay wiilasha iyo gabdhaha Ogadeniya ay halganka u hayaan iyo fikarado kale oo xiiso badan.

Hadaba Barnaamijka oo dhameysan dhowaan ayaad heli dontaan hadduu allaah idmo. Balse hoos ka daawo Sawiraanti barnaamijkaas Aqoon Isweydaarsiga ah

 

ONA/Nairobi

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay