Wariyaha  uga soo waramaya  ONA gobolka Doollo  ayaa waxa uu  soo gaadhsiiyay  wakaalada wararka ogaadeeniya in kamiin ay ciidanka jwxo ka galeen meesha  loo yaqaan Uubataale oo ka tirsan degmada wardheer 14 May  2012 waxaana ciidanka cadawga lagaga dilay goobtaa 15 askari waxaana looga dhaawacay 23  kale.

Waxaa kale oo jira hawlgalo kale oo ay ciidanka jwxo  ku qaadeen  fadhiisimooyin cadaw waxayna ku gaadhsiiyeen khasaare kala duwan waxaana ka mid sh

12/5/12 dagaal ka dhacay   dhuxun halkaas oo ciidamada Woyanaha ay kaga goosteen   2 askari.

13/5/12 dagaal dhacay meesha loo   Lafmaygaag oo ka tirsan degmada  Fiiq waxaa ciidanka  cadawga lagaga dilay  2 askari, 2 kale waa lagaga dhaawacay

16/5 burqo yar Dhanaan ka tirsan waxaa cadawga lagu qaaday dagaal mir ah oo khasaare laxaad leh lagu gaadhsiiyay.

12/3/12 dagaal ka dhacay Uubataale oo ka tirsan degmada  wardheer  ayaa ciidanka cadawga waxaa lagaga dilay  1 askari,2 kala waa lagaga dhaawacay

Waxaa  jira in mir xoogan loogu gaystay  ciidanka cadawga  meesha Naasahablood , oo laba jeer lagu miray ciidan hawlagal u joogay halkaa  iyo markii uu soo gadoomayna  lagu weeraray  hayaankii uu ku jiray

Waxaana halkaa loogu gaystay khasaare  kala duwan.

Warar soo gaadhay Wariyaha  ONA uga soo warama  gobolka nogbeed ayaa  lagu sheegay in ciidankii cadawga ee daganaa  degmada Dhuxun  ee gobolka nogbeed ay ka goosteen  laba askari  oo hubkoodii u dhan yahay ,  dhacdadan ayaa ku xidhiidhsan    baxsigii  ay maalmihii ugu danbeeyay   ku dhaqaaqyeen ciidamada cadawga   kaas oo  si xoog ah u sii kordhaya.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay