Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Muxammed Cabdullaahi Muxammad (Farmaajo) oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliyeed.

Dhismahan oo ahaan jiray Xarunta Safaarada Colombia ee Maraykanka ciwaankiisuna ahaa 1609. 22nd. St. NW. Washington D.C. 20008. Ayaa noqonaya bilawga dhismayaal ay Jamhuuriyada Soomaliyeed kudoonayso inay ugu iibiso Safaarada Dhawr ah ee dalalka Caalamka kuleedahay si ay uhelaan xarumo mulkiyadeed oo ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kahadlay sida dawladiisu mudnaanta usiinayso soo celinta maqaamka dalku uu ka lahaa caalamka isagoo ku booriyay jahliyada Soomaaliyeed ee Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan safaaradooda,

Dhanka kale wuxuu sheegay inay qorsheynayaan si la mid ah tallaabadaan in dowladiisu ay u dhammeystiri doonto agabkii ay ubaahnaayeen dhismahan iyo Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale .

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay