Shirkii madasha iskaashiga Soomaliya iyo Caalamka oo maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay Marti galisay Dawlada Soomaaliya kana soo qayb galeen kudhawaad 50 dal oo saaxiib la ah dawlada Soomaaliya socdayna mudo laba Maalin ah 01-Oct illaaa 02-Oct-2019. Ayaa Maanta lagusoo gabagabeeyay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

Shirkan oo Noociisa horay loo qabtay Sadex (3) Jeer kana kala dhacay Magaalada Brusels-Belgum iyo Soomaliya kii udanbeeyayna dhacay Jully-2018, wuxuu ahaa kiisii Afraad oo ay isugu yimaadaan Madasha Iskaashiga Soomaaliya, waxaana loogaga dooday arimo badan oo khuseeya dawladnimada soomaaliya iyadoo laqeemeeyay wixii qabsoomay hada meeja lajoogo iyo dhanka ay tahay in looga dhaqaaqo

Dhanka kale waxaa Xasid Mudan in Shirka ay kamaqnaayeen Sadexda maamul goboleed ee kala ah Punt-Land, Jubba-Land iyo Soomaali-Land kiwaasoo dhamaantood qaadacay iyagoo sababeeyay kamaqnaanshahooda Madasha.

Kasoo qayb galayaashii shirka ayaa bogaadiyay hormarka laga sameeyay dhismaha hanaan dawladeed oo shaqaynaya iyagoo Tilmaamay dhamaystirka inta dhiman

Si guud shirka ayaa kusoo idlaaday Jawi isfaham ah iyo balamo Fara badan oo ay tahay in loo dhaqaaqo qabashadooda.

Gabagabadee waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed faahfaahsan isuguna Jiray Bogaadin, Dhiiri galin, Tilmaamo iyo Balanqaadyo wadashaqayneed oo leh Dhan waliba Amniga, Siyaasad, Dhaqaalaha IWM.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay