Xoghayaha Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) halgame Cumar Sheekh Cabdulaahi (Cumar Sooya) ayaa kudhawaaqay gudiga Fulinta ee Ururka OYSU.

Halgame Cumar Sooya ayaa Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA) usheegay in uu soodhisay xubno Tayo leh oo sida uusheegay wax way kaqaban doona howlaha balaadhan ee u yaala Ururka OYSU.

Xubnaha lamagacaabay oo u muuqda kuwo bisil oo in badan howlaha halganka kusoo dhex jiray ayaa kala ah.

1 Kuxigeenka Xoghayaha OYSU ahna Afhayeenka Ururka Mudane Cabdifataax Kaariye.
2 Madaxa Abaabulka Mudane Ibraahim Sayid.
3 Madaxa Dhaqaalaha iyo Samafalka Marwo Ifraax Yuusuf Codwayne.
4 Madaxa Garsoorka iyo Dabagalka Aadan Ceelaaye Cali.
5 Madaxa Xuquuqul Insaanka Mudane Faysal Ibraahim.
6 Madaxa Cilmi Baadhista iyo Kobcinta Awooda Dhalinyarada Mudane Xassan Macalim Carab.
7 Madaxa Waxbarashada iyo Tayaynta Xubnaha Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim.
8 Madaxa Warbaahinta iyo Kaydka Ururka Marwo Faadumo Cali Siciid.

Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa ansixiyay xubnahan cusub ee noqon doona gudiga Fulinta ee Ururka OYSU.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay