Waxaa Magaalada Gaarissa ee Xarunta Gobolka Woqooyi Bari Kenya ka qabsoomay shirkii caadiga ahaa ee Faraca Barsan ee Jaaliyada Ogadenia.

Kulankan oo ahaa mid si fiican looga sooshaqeeyay ayaa ka qabsoomay badhtamaha magaalada Gaarissa, waxaana kulanka sooxaadiray inta badan xubnaha JWXO ee Gaarissa iyo Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Gaarissa.

Gudiga Fulinta ee Faraca Barsan ayaa siqoto dheer ugu warbixiyay kasoo qayb galayaasha iyagoo intaas raaciyay in xubnaha JWXO ee Gaarissa looga baahan yahay Shaqo kabadan intii hore.

Xubnaha JWXO ayaa dhankooda siwayn usoo dhaweeyay Soo jeedinta Gudiga, waxayna sheegeen in ay dadaalkooda laba jibaari doonaan.

Gabagabadii waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday shirkii kadhacay Magaalada Gaarissa ee xubnaha iyo taageerayaasha JWXO udhexeeyay.

Cali Samiir.
ONA Gaarissa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay