Waxaa gayiga Ogadenia si fiican uga curtay roobabkii Dayrta oo siwayn ay dadwaynuhu ugu baahnaayeen uguna diirsadeen.

Roobabka Dayrta ayaa laga soosheegay inta badan dhulka Soomaalida Ogadenia, waxaana lasheegayaa in ay si lagu diirsaday uda’ayaan roobabku.

Wafti Kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo saaka kasoo baxay Magaalada Jigjiga ayaa Soo maray wadada isku xidha Jigjiga iyo Qabridahare, halkaas oo ay indhahaanagu qabanayeen raxmadii Allaah oo maanshaysay dhulka iyo xareeda oo wadhan.

Magaalada Qabridahare ayaan soo gaadhnay iyadoo uu roob xoogan kuhayo, waxaana arkaynay daadka oo jiifa magaalada dhexdeeda.

Waftiga ayaa hada udhaqaaqay dhinaca Magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo, wixii kasoo kordha dhinaca deegaanta kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay