Waftigii JWXO ee kujiray Socdaalka Saxansaxo ee Gobolka Doollo iyo Howl-wadeenka Jabhada ee Gobolka Doollo ayaa kulan kala warqaadasho iyo qorshayn ah kuyeeshay Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu qorsheeyay socdaal ay waftigu ugu bixi doonaan bariga Gobolka Doollo, kaas oo lagusoo booqan doono bulshada kudhaqan Bariga Doollo.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Bariga Gobolka Doollo ayaa dhankooda siwayn uga dhursugaya socdaalka Madaxda JWXO iyo Barnaamijka Jabhada ee ay xambaarsan yihiin.

Qaar kamid ah howlwadeenka Jabhada ee Bariga Doollo oo kulanka kaqayb galay ayaa maantaba usii baxay Bariga Doollo gaar ahaan Dagmada Bookh, halkaas oo waftigu ay booqan doonaan hadii Alle Idmo.

Wixii kasoo kordha socdaalka Waftiga JWXO ee Gobolka Doollo kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA Wardheer.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay