Waxaa kulankoodii ugu horeeyay magaalada Jigjiga kuyeeshay Gudiga Fulinta ee Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) kuwaas oo dhawaan lasoo magacaabay.

Kulankan oo uu Shir gudoominayay Xoghayaha Cusub ee Ururka OYSU Halgame Cumar Sheekh Cabdulaahi (Cumar Sooya) ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Gudigu ay yeeshaan kadib markii Xoghayahu uu soomagacaabay xubnihii lashaqayn lahaa.

Xubnaha Gudiga ayaa is waraysi kadib durba bilaabay qorshaynta howlaha Ururka iyo sidii loo dardar galin lahaa, waxayna Isla qeexeen tubta toosan ee lagu dhaqaaqi lahaa.

Xubnaha Cusub ee Gudiga OYSU ayaa ah kuwo karti iyo awood uleh in ay sii laban laabaan shaqada balaadhan ee utaala Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) iyo guud ahaan howlaha halgan ee kasocda dunida dacaladeeda.

Calanle.
ONA/Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay